Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo ku saabsan khudbadii Xasan Shiikh Ee Cashada Villa Somaliya
    Somalia

    Faallo ku saabsan khudbadii Xasan Shiikh Ee Cashada Villa Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo madaxda Jubbaland iyo Puntland, si uu uga qanciyo khilaafka kala dhexeeya, ugalana dooddo qorshihiisa doorashada qof iyo codka ah, taas oo aan la ogeyn halka ay ka dhacayso.

    Xassan Shiikh oo casho sharaf u sameeyay xalay, qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee BJFS, ayaa si la yaab leh uga hadlay damaciisa ku wajahan dalka, iyo burburinta hannaan dowladeed ee Soomaalidu ku heshiisay.

    Marnaba sooma hadal qaadin diidmadiisa gogasha Garoowe, ee uu fidiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni intii lagu guda jiray munaasabaddi caleema-saarka Deni ee bishii January 2024.

    Maalmo kahor xubno aqoonyahano ah oo iskood isku xilqaamay, kulana kulmay Garoowe Madaxweyne Deni, si loo dhameeyo khilaafka DFS iyo Puntland ayaa ku eedeeyay Xassan in uu ka xirtay albaabada, xilli intii ay joogeen caasimadda Puntland uu u wakiishay u kala dab qaadista isaga iyo Deni.

    Baaqa wadahadallada Xassan Shiikh,ayaa loo arkaa mid uu ku jahwareerinayo shacabka Soomaaliyeed iyo safiirada Beesha Caalamka oo cadaadis ku saarayay todobaadyadii u dambeeyay in uu joojiyo isku daygiisa ku wajahan burburinta dalka iyo kala daadinta nidaamka dowladeed ee Soomaalida.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.