Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sharci ahaanshaha Gudiyada Aadan Madoobe Magacaabay
    Somalia

    Sharci ahaanshaha Gudiyada Aadan Madoobe Magacaabay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    By:-C.C.Warsame

    Dastuurku wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay hawl wadajir ah qaban karaan oo keli ah marka;

    1- Doorashada Madaxweynaha
    2- Dib u eegista Dastuurka iyo
    3- Xeerka qoondada miisaaniyadda oo ay labada aqal ku heshiiyeen.

    Sababtoo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo dhisay in sharciyadda iyo xeerarka ka soo gudba Golaha Shacabka uu turxaan-bixiyo, kana eego danta shacabka guud ahaan iyo tan dowlad goboleedyada ay matelaan.

    Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo.

    Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas.

    Durbaanka la xadayo halkii lagu yeerin lahaa ayaan sugaynaa.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.