Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Duqa iyo ku xigeenka Caasimada Garowe oo la doortay
    Somalia

    Duqa iyo ku xigeenka Caasimada Garowe oo la doortay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: November 09, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal.

    Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Guddoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Garowe, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee 23-kii july 2024 ka qabsoontay 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal oo ka mid ah Degmooyinka Puntland oo hore looga soo qabtay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2-aad.

    Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane CabduqaadirMaxamed Axmed (Geedi) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Maxamed Cali (Xamari) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddiga doorashooyinka Puntland (PEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka Reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.