Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biixi: 14 Milyan oo kamid ah 18 milyan oo ku baxaysa doorashada – Somaliland baa bixinaysa
    Somalia

    Biixi: 14 Milyan oo kamid ah 18 milyan oo ku baxaysa doorashada – Somaliland baa bixinaysa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in 80% ay ku guuleysatay Xukuumadda uu hoggaamiyo ballanqaadyadii uu ku galay tartanka doorashada 7 sano kahor.

    Muuse Biixi oo mar kale ah musharraxa xisbiga KULMIYE ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo ka gudbay caqabado culus oo lasoo gudboonaaday Somaliland, qeybtoodna ay la wadaagto dunida, sida cudurka COVID-19 iyo duufaano ka dhacay deegaanka.

    “Saddex meelood oo baahi weyn loo qabay, mid walba miisaaniyadeedu in qaar 100% korortay, sida caafimaadka oo kale, waxbarashada 50% in kabadan ayay labalaabmatay, Biyaha iyaguna way labalaabmeen” ayuu yiri Biixi.

    13 November [Arbacadda], ayaa shacabka Somaliland u dareeri doonaan doorashada isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda – MW Biixi ayaa wajahaya loollan culus, iyadoo musharraxa xisbiga weyn ee mucaaradka “WADDANI”, Cabdiraxmaan Cirro uu helayo taageeradq in badan oo kamid ah siyaasiyiinta saameynta ku dhex leh Somaliland.

    18 Milyan oo ku baxaysa doorashada, ayuu sheegay MW Biixi in 14 milyan oo kamid ah ay bixisay Somaliland, halka 4 milyan laga hela deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

    “Anigu waxaan ahay faras lasoo jirabay tobanaan sano, 40 sano ee u dambeeyay dadka waan hortaagnaa, xaalado walba oo dalka soo maray waan wada joognay. Marka bulshadu iyadoo maankeeda iyo miyirkeeda qabta ayay miisaamaysaa qofka ay dooranayso.”

    In kabadan 30 sano oo uu jiray maamulka Somaliland, Xukuumadda Biixi ayaa noqotay middii wajahday jabhadihii ugu badnaa ee ka sameysma deegaanada maamulka. Biixi ayaa la xiriiriyay arrintaan go’aan adeegiisa siyaasadeed, maadama uu diiday soo jeedino ugu yimid dhinacyo uu arkayay in ay diidan yihiin gooni isu-taagga Somaliland.

    Is afgaradka biyo badeedka ee uu la galay Itoobiya, ayuu ku sifeeyay mid kiro ah oo u damaanad qaadaya in maamulka Somaliland uu helo aqoonsi, isagoo xusay in marka loo Bedelo heshiis rasmi ah la horgeyn doono Baarlamaanka Somaliland, si dhaqangal uu u noqdo.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.