Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo Magacaabay Xoghayayaashii Difaaca iyo Arimaha Dibada Mareykanka Ee Maamulkiisa cusub
    Somalia

    Trump oo Magacaabay Xoghayayaashii Difaaca iyo Arimaha Dibada Mareykanka Ee Maamulkiisa cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacawadda u ahaa, hase yeeshee lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay.

    Tallaabadaas ayaa ka yaabsatay qaar ka mid ah xulufadiisa midigta, iyada oo ay dadka lafa gura siyaasadda Mareyka ay ku tilmaameen sida ay dhab uga tahay Trump ballan qaadkiisii ahaa in uu dib u qaabeyn doono hey’adaha dowladda federaalka.

    Trump ayaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Matt Gaetz oo ah 42 jir ka tirsan Koongareeska Mareykanka lagana soo doorto degmada koowaad ee gobolka Florida. Matt oo horay u soo noqday garyaqaan ayaanan waligiis kasoo shaqeyn Waaxda Caddaaladda.

    Trump wuxuu sidoo kale shalay haweeneyda lagu magacaabo Tulsi Gabbard u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka. Tulsi, oo horay u aheyd mudane Dimoqraadi ah oo ka tirsan Koongareeska balse isu baddashay Jamhuuri, ayaanan laheyn khibrar toos ah oo dhanka mukhaabaraadka Mareykanka, hase yeeshee maamuli doonta hey’addaan oo ay hoos yimaadaan ilaa 18 laamood oo ka mid ah hey’adaha sirdoonka Mareykanka.

    Talaadadi, Trump ayaa wariye ka tirsan telefishanka Vox News, Pete Hegseth u magacaabay Wasiirkiisa Difaaca ee soo socda. Sidoo kale Senator Marco Rubio ayuu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/11/3wjxtz_Ix0LwZSlI.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.