Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXDA W.WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PL OO HORTAGAY G.WAKIILLADA
    Somalia

    MADAXDA W.WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PL OO HORTAGAY G.WAKIILLADA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 20, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Nofeembar 20, 2024: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehlinayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo khubarada Wasaaradda ayaa warbixin u jeediyey Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland.

    Madaxda Wasaaradda ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay qorshahay horumarineed ee waxbarashada, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray taabbo gelinta mideynta waxbarashada, manaahijta iyo daadejinta adeegyada waxbarashada heer gobol iyo heer degmo.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntlnad ayaa su’aalo ka weydiiyay Madaxda Wasaaradda tayeynta manhajka waxbarashada, kor u qaadidda tayada dugsiyada hoose iyo dhexe, hirgelinta barnaamijka quudinta ardayda, maamulka deeqaha waxbarashada iyo xeerarka muhiimka ah ee la xiriira tayada waxbarashada Puntland

    Kulankan oo ka tirsanaa Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

    – DHAMMAAD –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.