Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gantaalada culus Ee Ruushku riday oo abuuray xaalad cusub
    Somalia

    Gantaalada culus Ee Ruushku riday oo abuuray xaalad cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 23, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaashaanbuurta NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine.

    Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

    Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk.

    Fadhi uu yeelan lahaa baarlamaanka Ukraine ayaa shalay la baajiyay sababo dhinaca amniga ah oo xiriir la leh, gantaallada Ruushka.

    Saraakiisha millatariga Ukrain ayaa sheegay in gantaalka lagu tijaabiyay magaalada Dnipro uu gaaray xawaare sare isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac.

    Isaga oo Jimcihi la hadlayay saraakiil millatari, ayuu Putin sheegay, in ay billaabi doonaan waxsoosaarka hubka cusub ee ay Ukraine ku tijaabiyeen ee Oreshnik. Wuxuu kaloo sheegay in ay sii wadi doonaan tijaabada gantaallada isla markaana ku ridi doonaan halka ay u arkaan in ay khatar kaga imaneyso.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.