Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C.C.Warsame”Rajadii Mudo kororsiga Ee Villa Somaliya oo soo afjarmay”
    Somalia

    C.C.Warsame”Rajadii Mudo kororsiga Ee Villa Somaliya oo soo afjarmay”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland.

    Doorashada Madaxweyne Madoobe waxay soo afmeeraysaa rajadii muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad Goboleedyada.

    Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah kaga digaynaa in ay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) u adeegsadaan dano siyaasadeed, waxaan xusuusinaynaa in ay waali tahay ku celcelinta ficillo isku mid ah iyadoo la filayo natiijo hor leh.

    Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uusan xaaladda kaga sii darin, muddada kooban ee ka harsan xilkiisana kaga faa’iidaysto baadigoobka midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo sidii lagu gaari lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, xilligeeda ku qabsoonta, ka qaybgalkeedu ballaaran yahay, la xaqiijin karo, halisna ku ahayn amniga, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.