Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in la ansixiyay Gudiga Doorasho Ee Xasan Shiikh
    Somalia

    Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in la ansixiyay Gudiga Doorasho Ee Xasan Shiikh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maantay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho,ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,sida uu sheegay Gudoomiye Aadan Madoobe.

    169-Xildhibaan,ayaa ogolaatay, waxaana diiday 6-Mudane,mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhaawaway Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe.

    Guddigan oo loogu yeeray Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha,ayaa ah Guddi Qaran oo Dastuuri ah,wuxuuna mas’uul ka noqonayaa Maamulidda Doorashooyinka heerarka kala duwan ee Wadanka iyo in ay hirgaliyaan Doorashooyinka Qof iyo Cod ah oo hufan oo la rabo inay ka dhacdo Dalka sida ay sheegayso Villa Somaliya.

    Dhanka kale,waxaa jira Xildhibaano door ah oo kasoo kala jeeda PL iyo JL oo Maanta ka hor yimid ucodaynta Gudigan,waxaana ka dhex dhacay Golaha Gacan ka hadal iyo fawdo.

    Xildhibaanada, ayaa ku doodaya in aysan jirin wax la ansixiyay iyo Codayn Sax ah oo dhacday ee kaliya Aadan Madoobe ku dhawaaqay Natiijo been abuur ah.

    Gudigan iyo Xeerarkii ka hireeyayba mahan kuwo laysku raacsan yahay oo loo maray Dastuurka iyo habraacyada saxda ah,waxaana kasoo hirjeeda PL iyo JL iyo Siyaasiyiinta reer Muqdisho.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.