Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo weeraro ku ekaysiisay Gudaha Lubnaan
    Israel Air Force F-15i Ra'am fly at a Graduation ceremony for Israeli Air Force soldiers who have completed the IAF Flight Course, at the Hatzerim Air Base in the Negev desert. June 28, 2016. Photo by Ofer Zidon/Flash90 *** Local Caption *** ???? ??? ????? ??? ?????? ???? ??? ??-15
    Somalia

    Israa’iil oo weeraro ku ekaysiisay Gudaha Lubnaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 3, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Israa’iil ayaa sheegtay inay Isniinti beegsatay bartilmameedyada Lubnaan, kadib markii ay wacad ku martay inay ka aar gudan doonto weerar ay Xisbullah ku qaaday xarun milatari, iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu burburiyay heshiiskii xabad joojinta ee la gaaray todobaadkii la soo dhaafay.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil eel aba tuulo oo ku yaala koonfurta Lubnaan, sida ay shegtay wasaaradda caafimaadka Lbnaan.

    Ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa sheegay inay beegsadeen bartilmaameedyada Xisbullah iyo kaabayaasha dhaqaale ee “guud ahaan Lubnaan”, iyadoo ku celceliyay sida ay uga go’antahay heshiiskii la gaaray.

    Xisbullah ayaa sheegtay inay ka jawaabeysay “gardarrada” Israa’iil. Waxay sidoo kale sheegtay inay qaaday “weerar is- difaac ah” iyadoo madaafiic ku garaacday fariisimaha milatariga Israa’iil ee aagga ay Israa’iil heysato.

    Israa’iil,ayaa dhankeeda sheegtay in wax dhaawac ah uusan ka soo gaarin duqeymaha Israa’iil ee aagga Dov, oo ku yaala goob lagu muransanyahay oo xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ah.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.