Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo si weyn usoo dhawaysay dhicitaanka Taliska Asad
    Somalia

    Israa’iil oo si weyn usoo dhawaysay dhicitaanka Taliska Asad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Netanyahu oo aad ufaraxsan,ayaa Shir jaraa’id ku qabtay Aagagii ay isku horfadhiyeen Ciidamada Israa’iil iyo kuwa Siiriya ee Xuduuda Labada Dal. 50-kii Sano ee udanbeeyay.

    “Waa Maalin Taariikhi u ah Bariga dhexe burburka Taliska Asad,waa fursad Dimishiq heshay, laakiin waxaa ku gadaaman khataro la taaban karo”.Ayuu yiri Netanyahu.

    Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri “Waxaan u diraynaa Gacan Nabadeed dhammaan kuwa Xuduudka Siiriya ku jira,haday ahaan lahaayeen Druze, Kurdiyiinta, Masiixiyiinta, iyo Muslimiinta doonaya in ay nabad kula noolaadaan Israa’iil”.

    Ciidamada Israa’iil, ayaa si KMG ah ubuuxiyay Aagagii Xuduudka oo ay fadhiyeen Ciidamadii Siiriya ee burburay.

    Si gaar ah Netanyahu,waxay ugu tahay Guul taariikhiya oo xili hogaamintiisa ugashay ayna ku tixgelin doonaan Shacabka Israa’iil.

    Mudadii uu talada hayay Netanyahu,waxay gaartay Israa’iil Guulo Milleteri iyo Siyaasadeed oo waa weyn ayna ugu danbaysay dhicitaanka Taliskii Asad.

    Sida ay xaqiijinayaan Ilo Wareedyo xog ogaal ah,waxaa qorsheeyay hawlgalka lagu tuuray Asad hay’adaha Sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil.

    Ujeedka soo afjarida Taliska Asad,ayaa looga gol leeyahay in si dhamaystiran loo burburiyo Xisbullaah iyo Xamaas.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/12/awRaIzbfiqPYEy3N.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.