Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Dowlada Puntland Ee Bosaso oo xariga laga jaray
    Somalia

    Bangiga Dowlada Puntland Ee Bosaso oo xariga laga jaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 21 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.

    “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

    Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Bangiga Dowladda, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQO6kUZUqSSltidYa2G3PcVWUDTmk3doNBEEUMGPiv7lrjjQhL1VO4IizACc9rZICgMtgTnXloLFXV40-24bYEK6.mp4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.