Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Intee la eg tahay Rajada hirgalka heshiiska Israa’iil iyo Xamaas?
    Somalia

    Intee la eg tahay Rajada hirgalka heshiiska Israa’iil iyo Xamaas?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaa bilaaban doonta subaxnimada berri oo Axad ah saacaddu marka 06:30 GMT, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha, waxaana warkan uu yimid ka dib markii golaha wasiirrada Israel ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska iyo sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista.

    Qatar, Masar iyo Mareykanka oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku dhawaaqay heshiiska Arbacadii.

    Duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa socday tan iyo xilligaas. Sabtida maanta ah, guddiga difaaca madaniga ah Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii weerar lagu qaaday teendhadii ay ku noolaayeen ee Khan Yunis oo ku taalla koonfurta Gaza.

    Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Quddus subaxnimadii Sabtida maanta ah ka dib markii ay dhawaaqeen seeriga digniinta ah, waxayna ciidamadu sheegeen in ay hawada ku qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen, halkaasi oo kooxda Xuutiyiintu ay sheegeen in weeraradooda ay ku garab istaagaayaan Falastiiniyiinta.

    Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamas ay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, taasoo sababtay dhimashada 1,210 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirakoob ay AFP ka samaysay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

    Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale weerarkaas ku qafaashay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, ayadoo 34 ka mid ah ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay dhinteen.

    Olole aargoosi ah oo Israa’iil ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 46,707 qof, oo u badan rayid, sida ay sheegeen tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.