Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»TikTok oo si rasmi ah looga mamuuncay Maraykanka
    Somalia

    TikTok oo si rasmi ah looga mamuuncay Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    TikTok ayaa shaqadeedii Mareykanka joojisay goor dambe oo xalay ah, waxaana laga waayay dukaamada Apple iyo Google ka hor sharci dhaqan galaya Axadda maanta, kaasi oo dalbanaya in la xiro app-ka ay isticmaalaan 170 milyan oo Mareykan ah.

    Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii shalay sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli mamnuucista TikTok ay Axadda maanta ah ka bilbaanayso ka dib amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka.

    Barnaamijyada kale ee ay leedahay ByteDance, oo ay ku jiraan app-ka muuqaallada lagu jarjaro ee Capcut iyo app-ka kale ee hab-nololeedka bulshada ee Lemon8, ayaa sidoo kale qadka ka baxay oo aan laga helin dukaamada app-ka ee Maraykanka ilaa xalay.

    Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah siisa dadka isticmaalka aaladdaan.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.