Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Shilka Labada Diyaaradood Ee Maraykanka
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Shilka Labada Diyaaradood Ee Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 30, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in ay isku dheceen labada diyaaradood oo kala ah nooca rakaabka iyo mida ka tirsan kuwa Mileteriga.

    Diyaaradda American Airlines oo saarnaayeen 64 ayaa lagu soo warramayaa in ay foodda is dareen diyaarad Helicopter ah oo Black Hawk oo iyaduna sidday 3 ka mida ciiddamada dalka Maraykank. Shilkan ayaa ka dhacay hawada garoonka Ronald Reagan ee Washington DC.

    Labada diyaaradood,ayaa lagu soo warramayaa in ay markiiba ku soo dheceen webiga Potomac oo meesha ka dhowaa. Ilaa hadda waxa la soo helay 19 qof oo mayd ah. Waxana lagu raad joogaa dadkii kale oo aan lahayn, iyada oo la hawl geliyey doomaha quusa iyo dadka aadka dabaasha u yaqaanna oo baadi goobka ka qayb gelaya.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ay diyaaraduhu isku dheceen isaga oo cannaana u jeediyey masuuliyiin labada diyaaradood waday oo laftigoodu ka mid ah Dadka la raadinayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.