Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xog:-Maxaa kala socotaa Safarada Xasan ee tira beelka ah?
    Somalia

    Xog:-Maxaa kala socotaa Safarada Xasan ee tira beelka ah?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2025Updated:February 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xasan Laba Sano iyo Bar uu fadhiyay Villa Somaliya,Sanad ka mid ah,waxa uu ku qaatay Safaro oo Dibada Wadanka,ayuu wareegayay.

    Sanadku,waa 360-Maalmood,waxa uuna Xasan galay 24-Safar isku celcelis.

    Safarada tirada badan ee Xasan kuma salaysna Dan Qaran ee waa kuwo ku fadhiya Dan Gaar ah mana jiro Safar Dhaqaale,Mashruuc ama Siyaasad Qaran lagu soo hoyay.

    Waxaa xusid mudan in Daqiiqada Madaxweyne ay ka qaalisan tahay mida Dadka caadiga ah,balse ay muuqato in Xasan uusan Shaqo ahayn oo wakhtigiisu raqiis yahay.

    Si hoose markaan ubaaray Safarada Xasan,waa kuwo Dhaqaale samayn ah,gaar ahaan Lacagta Sahayda Safarada.

    Tusaale?

    Safar walba uu baxo,waxa uu qaataa Sahay Safar $400-kun,taasoo noqonaysa Sanadkii….

    12×$400.000=$4.800.000.

    Lacagtaas,waxaa baxda sida ay xaqiijinayaan Ilo xog ogaal ah halkii Safar $100-kun,waxaana ubaaqata $300-kun,taasoo udhiganta Sanadkii….

    12×$300.000=$3.600.000.

    Safar walba oo uu baxo Xasan,waxaa gaar uleh oo ku Xisaabtanta Xaasaskiisa mid ka mid ah,isla markaana laguma farageliyo.

    Lacagtaas Sahayda Safarada ah,waxaa la saaraa Madaxyada Miisaaniyada ee loo Qoondeeyay Amniga iyo Xaalada deg-dega ah si aysan fara badnidooda uga soo muuqan Xisaab xirka Sanadka.

    Isku soo wada duuboo Safarada Xasan,waa Dhaqaale samayn Qoys.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.