Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadamada Midowga Yurub oo hiil umuujiyay Ukrain
    Somalia

    Wadamada Midowga Yurub oo hiil umuujiyay Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shirka kaga dhawaaqay qorshe afar qodob ka kooban oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, laguna taageero qarannimada dalkaas.

    Starmer ayaa sheegay in qorshahan, oo ay iska kaashadeen Faransiiska iyo Ukraine, uu ka kooban yahay:

    Sii wadidda gargaarka la siiyo Kyiv iyo cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Ruushka si ay u taageerto Ukraine.

    Xaqiijinta in dowladda Ukraine ay miis walba oo gorgortan looga hadlayo aayaheeda ka qeyb gasho.

    In heshiis kasta oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine.

    Sii wadidda taageerada hubka si Ukraine ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.

    Starmer wuxuu sheegay in Yurub ay haatan taagan tahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aysan joogin xilligii hadalka, balse loo baahan yahay ficil iyo midnimo.

    Shir-madaxeedkii Axaddii wuxuu soo gabagabeeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin Washington ay ku tageen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.