Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Ganacsatada
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Ganacsatada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 12 March 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland, Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Rugta Ganacsiga, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga iyo Ganacsato.

    Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ganacsatada warbixin ku saabsan halka uu marayo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyadoo ujeedku yahay in Argagixisada laga sifeeyo Puntland .

    “Ujeedku waa in Argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, Argagixisadii dadka buuraha kasoo handadi jiray wa u jedaan Ciidankeena buuraha ugu dhacay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    “Muhiimada Kulanku waxay aheyd Maanta wixii ka danbeeya dhegdheer in ay dhimatay in aan isu sheegno, Cabsi danbe jirin, lacag danbe aan la bixin, qofna uusan isu soo kiin humbaaleyn karin!” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyey bulshada Puntland isku duubnida iyo garab istaaga ay muujiyeen intii hawlhalka socday, isagoo xusay in ganacsatadu kaalintooda qaataan oo guulaha la gaaray isbedelkoodu uu ka muuqdo magaalooyinka, horumarka, ganacsiga iyo bilicda dalka .

    – DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.