Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deni iyo wafti uu hoggaaminayo oo tagaya Muqdisho
    Somalia

    Deni iyo wafti uu hoggaaminayo oo tagaya Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland ayaa tagaysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu iclaamiyo dhowaan Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayna garwadeenka ka yihiin saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan safiiradda Mareykanka, Ingariiska iyo Qaramada Midoobay.

    Wafti ka socda Puntland, uuna hoggaamin doono Madaxweyne Siciid Deni ayaa ka degi doona Muqdisho. IDILNEWS ayaa xaqiijisay in uu ku qancisay Dowladda Mareykanka oo muhiim u ah Puntland, kana gacan siisa arrimo uu kamid yahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

    Siciid Deni ayaa loo arkaa in ay u tahay fursad siyaasadeed, maadama la xaqiijiyay in uu yahay musharrax Madaxweynaha DFS doorashada 2026 ilaa 2027.

    Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in uu jiro xiriir dhanka khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Deni iyo Xassan Shiikh, kaas oo hadda maraya meel wanaagsan. Wararka ayaa intaa ku daray in ay dhici karto in wafti ka socda Xassan Shiikh uuna hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka XFS Xassan Macalin oo ah gacantiisa midig uu imaan doono Boosaaso.

    Deni ayaa doonaya in hadda loo soo daayo mashaariicda ka taalla Puntland Muqdisho, kuwaas oo uu doonayo in ay ka ridaan culeysyada gudaha, uuna ka sameeyo dhaqaale biiraya olalihiisa doorashada Villa Somalia oo hadda uu u xirxiran yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.