Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan
    Somalia

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 30, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waddamo badan oo dariska ah ayaa ku lug leh dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, waxaana taliyaha ciidamada Waqooyiga Suudaan, Maxamed A’Jakumi uu sheegay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu u ballan qaaday in dalkiisa uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamada.

    Waxa uu u sheegay wargays ka soo baxa Sudan, A’Sudani, 27-kii June in madaxwaynuhu u ballan qaaday Eritrea inay ku taageerto isaga oo siin doona tababar ciidan oo la siinayo ilaa 50,000 oo dagaalyahano ah si ay dalka uga difaacaan khatarta xoogagga Gurmadka dedgdegga ah .

    Ciidamada Sudan iyo xoogagga Gurmnadka degdega aha ayaa la sheegay inay ku tiirsan yihiin kaalmada milateri ee shisheeye.

    Ciidamada Suudaan ayaa la rumeysan yahay inay kaalmo ka helaan Masar, Ruushka, Iiraan, Turkiga iyo Eritrea. Gurmadka Degdegga ah (RSF) waxa ay gargaarka inta badan ka helaan Imaaraadka, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Kenya.

    Ciidanka Suudaan ayaa la sheegay in ay si toos ah Masar uga helaan gargaar milateri, hub iyo tababar. Bishii Oktoobar 2024, hogaamiyaha ciidamada RSF , General Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Iran taageerada ay siiyaan ciidamada Sudan.

    Ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale sahay milateri ka helay Ruushka oo ay ku jiraan diyaarado dagaal. Saraakiisha Suudaan ayaa dhowr jeer booqday Moscow tan iyo 2024-kii si ay ugala hadlaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wadal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.