Ugu danbayn Dabkii ka kacay Sanaag,waa soo yaraanayaa.
Dabku,wuxuu gaaray Dhul gaaraya
100-km oo isku wareeg ah.
Dad kuma dhiman ilaa iyo hada,waxaase jira dhaawacyo aan aad ucuslayn oo soo gaaray Dad gaaraya 20-Qof.
Khasaaraha ugu weyn,wuxuu soo gaaray Dhul Beereedyadii,waxaana gubtay 220-Beerood.
Dabka wuxuu ka kacay Deegaanka Gaacidh iyo Dowga tabco ee silsilada Buuraha Daalo iyo Surad cad ee Degmooyinka Ceerigaabo iyo Maydh.
Xaqiiqdii,waa Dhul qiimo weyn lahaa oo ku wanaagsanaa Tacabka Beeraha iyo Dalxiiska.




