Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed
    Somalia

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 2, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda difaaca ee Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in khasaare dhimasho leh uu ka dhashay ka dib markii dayaarad Helikobter ah oo ciidankooda qaybta ka ah hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya leeyihiin ay ku dhacday meel u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in dayaaradaas oo nooceedu yahay Mi-24, kuna dhacday meel garoonka u jirta 200 mitir ay saarnaayeen 8 qof oo 6 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii dayaaradaas.

    “Jugtii ay dhulka ku dhacday ayaa dhaliyey in rasaas saarnayd ay qaraxdo , taasoo sababtay dhaawac soo gaaray dhismayaal u dhawaa, ayadoo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen 3 qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in duuliyihii, kaaliyihiisii iyo injineerkii dayaaradda ay ka badbaadeen shilka, ayadoo uu soo gaaray dhaawac daran iyo gubasho xoog leh. “Waa la soo badbaadiyey ayaga iyo seddex qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka, ayadoo loo qaaday dadka dhaawacmay isbitaal uu leeyahay hawlgalka AUSSOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.