Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.
    Somalia

    Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Caluula, 21 Luulyo 2025 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Raas-Caseyr, ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baaray markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta Degmada Bareeda. Markabkaasi ayaa si buuxda loo baaray, waxaana la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah, taasoo keentay in si nabad ah loo fasaxo.

    Sidoo kale, Ciidanka Booliska waxay xaqiijinayaan in dhowaan la qabtay markab kale oo lagu helay hub sharci-darro ah. Markabkaasi wuxuu si buuxda ugu jiraa gacanta laamaha amniga, waxaana socda baaritaan rasmi ah oo qoto dheer. Ilaa baaritaanku soo dhammaado, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin karo.

    Taliyaha Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa shacabka uga digay in ay iska ilaaliyaan wararka been-abuurka ah ee ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh. “Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliyuhu.

    Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland oo dhan, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah sida tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ah – gaar ahaan kooxda Daacish – ay helaan marin u suura geliya taageero ama ku baxsadaan xeebaha.

    Booliska Puntland wuxuu hoosta ka xariiqayaa in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amniga qaranka, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo looga hortagayo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka iyo caalamka.

    — DHAMMAAD —

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee Markabka Hubka?

    July 21, 2025

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    July 21, 2025

    Mw Deni iyo Saraakiisha Ciidamada oo ka Shiray hawlgalka Calmadow

    July 21, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee Markabka Hubka?

    U.S. Warships and Surveillance Aircraft Monitor Waters Off Ras Aseir Region of Puntland

    Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    Mw Deni iyo Saraakiisha Ciidamada oo ka Shiray hawlgalka Calmadow

    Legal Analysis: Why SADAT Cannot Claim Ownership of the Sea World Vessel or Its Weapons Cargo

    Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka PL soo saartay?

    Kalfadhiga Golaha Deegaanka Galkacyo oo dib loo dhigay

    Puntland oo war kasoo saartay Markabka Hubka sida Ee ay qabatay

    Turkey-Linked Arms Trafficking in Somalia: The Sea World Incident and Its Geopolitical Reverberations

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.