Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mw Deni oo sagootiyay Talyihii hore Ee hawlgalka gaarka ah Bariga Africa Maraykanka
    Puntland

    Mw Deni oo sagootiyay Talyihii hore Ee hawlgalka gaarka ah Bariga Africa Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 08 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris oo wakhtigiisa shaqo dhameystay isagoo sidoo kale soo dhoweeyay Taliyaha cusub Col. Benander oo qayb ka ahaa wafdiga maanta uu qaabilay Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha ayaa hadyad dhaqameed ku sagootiyey Taliye ED Norris, isagoo Dowladda Maraykanka uga mahadceliyay garab istaagooda Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna rajeeyay in Taliyaha cusub Col. Benander uu isna halkaasi kasii wado wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan Amniga iyo ciribtirka Argagixisada.

    Taliyaha xafiiska baneynaya ee Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris, ayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland uga mahadceliyay wadashaqeyntii iyo sidii ay isaga kaashadeen la-dagaalanka Argagixisada oo Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan khatar ku ah, wuxuuna xusuus reeb ahaan ugu wareejiyay Puntland Fuuqa-gantaal ka mid ah Kuwii Maraykanku ku garaacay Argagixisadii laga sifeeyay deegaanka Alleelo-yar ee buuralayda Calmiskaad.

    Maraykanku wuxuu Dowladda Puntland ku boggaadiyay sida ay uga goโ€™antahay in ay deegaannadeeda ka ciribtirto Argagixisada Daacish iyo Alshabaab, wuxuuna Taliye ED Norris uu billado guddoonsiiyey Agaasimaha Guud ee PMPF Gen. CabdulRabi Cabdisamed iyo Saraakiisha Ciidan ee ay wada shaqeynta dhow lahaayeen inta uu socday hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

    =DHAMMAAD=

    =XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฉ-๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐›๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ฉ๐ฌ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฐ๐ข๐ง $๐Ÿ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฌ

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.