Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mw Deni oo sagootiyay Talyihii hore Ee hawlgalka gaarka ah Bariga Africa Maraykanka
    Puntland

    Mw Deni oo sagootiyay Talyihii hore Ee hawlgalka gaarka ah Bariga Africa Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 08 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris oo wakhtigiisa shaqo dhameystay isagoo sidoo kale soo dhoweeyay Taliyaha cusub Col. Benander oo qayb ka ahaa wafdiga maanta uu qaabilay Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha ayaa hadyad dhaqameed ku sagootiyey Taliye ED Norris, isagoo Dowladda Maraykanka uga mahadceliyay garab istaagooda Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna rajeeyay in Taliyaha cusub Col. Benander uu isna halkaasi kasii wado wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan Amniga iyo ciribtirka Argagixisada.

    Taliyaha xafiiska baneynaya ee Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris, ayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland uga mahadceliyay wadashaqeyntii iyo sidii ay isaga kaashadeen la-dagaalanka Argagixisada oo Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan khatar ku ah, wuxuuna xusuus reeb ahaan ugu wareejiyay Puntland Fuuqa-gantaal ka mid ah Kuwii Maraykanku ku garaacay Argagixisadii laga sifeeyay deegaanka Alleelo-yar ee buuralayda Calmiskaad.

    Maraykanku wuxuu Dowladda Puntland ku boggaadiyay sida ay uga go’antahay in ay deegaannadeeda ka ciribtirto Argagixisada Daacish iyo Alshabaab, wuxuuna Taliye ED Norris uu billado guddoonsiiyey Agaasimaha Guud ee PMPF Gen. CabdulRabi Cabdisamed iyo Saraakiisha Ciidan ee ay wada shaqeynta dhow lahaayeen inta uu socday hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

    =DHAMMAAD=

    =XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.