Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar
    Puntland

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2025Updated:August 10, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso : 09 August 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta dhagax dhigay wadada Calmiskaad oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar ee Gobolka Bari, iyadoo ay munaasabadda ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimada Dhaqanka , Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska Gobolka Bari.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyay muhiimada ay Wadadan u leedahay isu socodka Gobolka Bari, isagoo xusay in ay ku timi baahi ka jirta deegaanka dhaadaar oo hadda laga sifeeyay Argagixisadii Daacish, waana Waddo aan ku koobnayn Kaabe-dhaqaale balse sidoo kale leh ahmiyad Amni.

    Wadada isku xiraysa Boosaaso – Dhaadaar, waa 92km oo dhismaheeda la billaabayo berito ayna Dowlad iyo Shacaba kawada qayb qaadanayaan, waxay ka mid tahay horumarka Calmiskaad sidii si dhow loogu xiri lahaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.