Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad
    Somalia

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 18, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu danbayn,isagoo qaba Suud qurux badan oo uqalma Aqalka cad,ayuu soo laabtay Mw Zelensky.

    Si miqaam leh,ayaa loosoo dhaweeyay oo loola qabtay Shir jaraa’id oo ay markan ka muuqato xurmo ka badan intii hore.

    Kulankan,wuxuu dhacay kadib kulankii dhexmaray Trump iyo Putin ee Alaska.

    Zelensky markan mahan kaligiis oo waxaa galbinaya 7-hogaamiye oo Yurub ah,kuwaasoo ujeedkeedu yahay in iyaga,Trump iyo Zelensky ay toos uga wada xaajoodaan heshiiska lala galayo Ruushka.

    Sida muuqata qorshaha Maraykanka ee Ruushka ay isla fahmeen,waxaa la hordhigay Zelensky,iyadoo Madaxda Yurub kusoo biirayaan.

    Dhamaan shaqada socota,waa Macdanaha muhiimka ah ee caalamku sida weyn ugu baahan doono mustaqbalka in heshiis laga gaaro oo la qaybsado.

    Maraykanka iyo Ruush,waxay kala goosteen Macdanaha muhiimka u ah Ganacsiga caalamka ee kusii ururaya Tiknoolajiyada casriga ah,waxaana xogaha hoose sheegayaan in ay gaareen heshiis buuxa oo ku saabsan sida ay uqaybsanayaan goobaha caalamka ay uga jirto Macdanahaas oo laga xusi karo Afrika,gaar ahaan Geeska iyo Galbeedka Afrika.

    Somaliya,waa mid ka mid ah goobaha Macdanahaas laga helay ee yoolku saaran yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.