Dhasaan, Qandala – Gobolka Bari
Puntland waxa ay wayday mid ka mid ah saraakiisheeda ugu sarreeya, uguna hal-adagnaa, kadib markii uu ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala.
Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Howlgalka Calmiskaad, ahaana Taliyaha Guutada 2-aad iyo Ururka Duufaan, General Axmed Cabdi Qalyare, ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Puntland.
Taariikh Nololeed Kooban
General Qalyare wuxuu ahaa sarkaal khibrad dheer u lahaa arrimaha milatariga iyo dhismaha ciidamada. Waxa uu hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Intii uu ku jiray howshiisa, waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa hoggaamiye leh hufnaan, karti iyo waddaniyad aan la isku halleyn karin.
Dadka aqoonta u lahaa General Qalyare waxay ku tilmaamaan sarkaal si buuxda ugu heellan difaaca dalka, dhismaha hay’adaha amniga, iyo horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.
Tacsi iyo Tixgelin
“Alle ha u naxariisto General Axmed Cabdi Qalyare. Wuxuu ahaa halyey u taagnaa difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Geeridiisu waa mid murugo weyn u leh shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed..
Tacsida ayaa si gaar ah loogu dirayaa qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ciidamada uu ka tirsanaa. Puntland waxay waayatay geesi aan sahlaneyn in la beddelo.
Baaq: In Laga Faa’iideysto Khibradaha Khasaaraha
Geerida General Qalyare waxay tusaale u tahay khasaaraha baaxadda leh ee dagaallada iyo xasillooni darrada ka dhalata. Puntland waxa ay waajahaysaa khataro badan oo ay ka mid yihiin argagixisada, miinooyinka, iyo khilaafaadka siyaasadeed iyo qabiil.
Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo cad, mid siyaasadeed iyo mid amni si loo yareeyo khasaaraha, loona dhiso jawi nabadeed oo joogto ah. Geerida halyeyada Soomaaliyeed ma noqon karto mid iska dhacda oo aan wax laga baran.
Gunaanad
Dhimashada General Axmed Cabdi Qalyare waxay calaamad u tahay halista ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha u taagan difaaca dalka. Puntland waxay u baahan tahay inay ka faa’iideysato waayo-aragnimadan si ay u dhisto mustaqbal nabdoon, ammaan ah, oo aan mar kale lagu waayin halyeyada sida Qalyare oo kale ah. Waa muhiim in Pl si qoto dheer u baadho cida minooyinka dhigaysa Meelaha awal laga saaray. Ma reer miyigaa mise waa dad kale oo qarsoon?
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Allah ha u naxariisto.
W/Q: Muna kaamila