Sadex arimood ,ayaa lagu gaaray Shirka Deeq bixiyayaasha ee socda,waxayna kala yihiin….
1.Waxaa la diiday in Laascaanood,wixii lagu dhisay loo aqoonsado Maamul oo lagu daro qorshaha Mashaariicda 5- ta Sano ee soo socota,waxaana lagu soo koobay ( Dhul muran ku jira).
- Waxaa lagu go’aamiyay in SL lagu soo daro Nidaamka Fadaraalka oo si la mid ah DG kale Mashaariicdeeda la hoos keeno DFS oo marka la fulinayo ay fasaxdo,sidoo kale marka uu dhamaado la ogaysiiyo,waxaana la diciifiyay hanaankii sida gaarka ahayd wax loogu siin jiray.
- Waxaa laysla qaatay in Nidaamka hada lagu shaqeeyo ee halka Wadan ( Country System) lagu ansixiyo sidiisa oo aan cidna tixgelin gaar ah loo samayn.
Barnaamijka Baanka Aduunku kula shaqeeyo Somaliya ee Hal Wadan,wuxuu dhacayaa 2026,waxaana dib loo cusboonaysiiyaa 5-tii Sanaba hal mar.
Waxaa muuqata Deeq bixiyayaasha oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriisku in ay danaynayaan xoojinta Dowladnimada Somaliya.