Codka Somaliya,waxaa lagu biiriyay Codadka Maraykanku hogaaminayo ee doonayay in Ciidamo shisheeye la geeyo Qasa.
Qaraarkan la meelmariyay,wuxuu soo afjarayaa wax iska caabintii Falastiniyiinta,wuxuuna Qasa ka dhigayaa meel caalamku ilaaliyo,taasoo Israaโiil u ah guul siyaasadeed iyo mid amni.
Falastiniyiinta dagaallanta ma heli doonaan fursad ay ugu marnarsiyoodaan Israaโiil oo ugu gudbaan.
Tan iyo intii uu Xasan kasoo laabtay Maraykanka oo lagu soo yiri,waxaan kaa rabnaa doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo Somalidu ku midaysan tahay,wuxuu Xasan Lacag badan ku bixiyay sidii Trump looga gadi lahaa.
Taageerada qaraarkan,wuxuu qayb ka yahay iska dhaadhicinta Xasan ee Trump.
Hadafka ugu weyn ee Xasan,waa in cadaadiska doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo kaga imaanaysa BC oo Maraykanku ugu horeeyo ay ka degto ama ka yaraato.
Waa fahan siyaasadeed oo la fahmi karo oo ka fog caadifad Diimeed,Qabiil iyo Dhuleed oo ku salaysan danaysi siyaasadeed,waana waxa ay tahay in Shacabka Somaliyed ay bartaan ee ah “Siyaasadu dan ayay ku dhisan tahay ee caadifad kuma shaqayso”.
