Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo baaraysa awooddo shisheeye oo ku lug leh Burcad-badeeda (WAR-SAXAFADEED)
    Puntland

    Puntland oo baaraysa awooddo shisheeye oo ku lug leh Burcad-badeeda (WAR-SAXAFADEED)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay wado baaris ay ku sameynayso awoodo ka baxsan Puntland oo dabada ka riixaya kooxaha Burcad-badeeda ah ee ka Adduunka ka wada xeebaha Puntland.
    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEEDKA KASOO BAXAY WASAARADDA AMNIGA PUNTLAND.

    WAR SAXAAFADEED

    21 August 2026

    Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ficillada burcad-badeednimada ah ee beryahaan dambe ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland, waxayna baaritaan gaar ah ku haysaa xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda iyada oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Burcad-badeedka, iyo in ay gacan ka siiso dowladaha ku hawlan la dagaalankooda, waxayna qaaday tallaabooyin lagu hawlgelinayo laamaha amniga Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta degmooyinka ku teedsan xeebaha Puntland si wax looga qabto hawlgalada burcadda.

    Dowladda Puntland waxay ka soo horjeedaa duqeymaha ay maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ku beegsanayaan dadka shacabka ah iyo hantidooda ee deeganada u dhow xeebaha lagu haysto maraakiibta u afduuban Burcad-badeedka. Dowladda Puntland waxay u aragtaa in hawlgalada noocaas oo kale ah ay wax u dhimayaan iskaashiga hay’adaha amniga Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamiga ah ee gacanta ka geysanaya la dagaalanka Burcadda, sidoo kalena ay wax yeelo ka soo gaarayso dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn ficilada Burcadda.

    Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Dowladaha leh Maraakiibta Caalamiga ah ee duqeymaha ka geystay deegaanka Garmaal 18kii iyo 20kii August 2026, laguna beegsaday dad kalluumeysto ah iyo hantidooda in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan ujeedka hawlgaladaas.

    Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geysato la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sidii loo soo celin lahaa xorriyadda maraakiibta ay hadda gacanta ku hayaan.

    -DHAMMAAD-

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    October 14, 2026

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.