Diyaaradaha F-16 ee Turkey ayaa maanta joog hoose ku dul heehaabaya Muqdisho, si ay cabsi galiyaan shacab caraysan oo Ciidanka maamulka Xassan Shiikh ku horjooga xaafada Tokyo ee degmada Yaaqshiid.
Sida ay tabinayso warbaahinta Muqdisho, diyaaradaha Turkey ayaa gacan siinaya ciidamada wata Cagafyada ee doonaya inay burburiyaan xaafadaha shacabka, iyagoo qeyb ka ah boobka dhulalka ee ka socda Muqdisho.
Turkey ayaa horrey u sheegtay in diyaaradaha ay Muqdisho u keentay in ay ku ilaalsato saldhigyadooda Milateri iyo goobaha ay haystaan shirkaddahooda ee Dekedda iyo Airport Muqdisho, balse tan ayaa hadda is bedeshay.
Dhowaan, Diyaaradaha Turkey ayaa qeyb ka noqday duullaankii Cabdicasiis Laftagareen looga qabsaday Baydhabo, waxaana ay duqeeyeen fariisimo Ciidanka Laftagareen ku lahaayeen deegaano ku dhow Baydhabo.
IDILNEWS
