Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo safar ku maraya Gobolka Mudug, ayaa maanta gaaray deegaanka Dhinowda ee Degmada Jariiban, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay shacabka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay bulshada deegaanka Dhinowda ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo taageerada ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa.
Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka Dhinowda, ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato maamulka Degmada Jariiban, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saari doono xaaladda deegaanka, amniga, horumarka iyo baahiyaha bulshada.
IDILNEWS
