Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashada Farmaajo & Rabitaanka Shacabka.WQ.Ahmed Abdirizak Jama
    Somalia

    Doorashada Farmaajo & Rabitaanka Shacabka.WQ.Ahmed Abdirizak Jama

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Soomaalidu waa dad aad u dhiifoon oo badi waxa ay diidaan aan lagu khasbi karin, ayna adag tahay waxay mar ka didaan inay dib ugu laabtaan.
     
    Doorashada madaxweyne Farmaajana waxay tusaale cad u tahay, in soomaalida aanay badalin dhaqan ahaan dhibaatadii badneyd ee ay kusoo jireen ilaa 1991kii oo ay ahaayeen dad & dal dowlad la’aan ah, oo haddana dagaalo sokeeye oo qabiilka ku dhisan & kuwo kooxo diimeed ay u dheer yihiin.
     
    Dadnimadaas soomaalida ee aan doorsoomin ayaa kaliftay in ay aqlabiyad ku doortaan madaxweyne Farmaajo, ayagoo hareer maray rabitaankiii dalalka dariska ah, kuwa daneeya arrimaha soomaaliya, bulshada caalamka & hayadaha aan dowliga ahayn oo anay marna jaleecin shaqsiyaadkii sida qayaxan ay u taageerayeen ulana rabeen helista kursiga madaxweynaha. In badan ayaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed la hareer maray loogana dhigay madax dad aanay raali ka ahayn lana gacan bidixeeyay ciddii ay u igman lahaayeen ka talinta aayahooda ayadoo la adeegsanayo musuq, hanjabaado & awood laakiin waxaa intaasoo dhan meesha ka saaray rabitaan aan cidina xaqiri karin oo ay shacabka soomaaliyeed ee daljooga & dibad jooga ahiba muujiyeen, ahaana mid guul darro kasta oo horay ugu timid ka qaaday xoog & rajo oo aan dhiman. Hadaba dhamaan waxaa aanu soo sheegnay waxay wataan masuuliyadooda, waxayna ku tuseysaa in maanta Madaxweyne Farmaajo ay saaran tahay masuuliyad ka weyn middii saarneyd madaxdii ka horeysay oo ah, in shacabku maanta midoobey oo guusha taariikhiga ah ay meesha ka saartay kala qoqobkii ay shacabka Soomaaliyeed dhex dhigeen siyaasiyiin ku gaarayay danahooda shaqsiyadeed. Waxaa laga rabaa Madaxweyne Farmaajo;
     
     
    • Ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.
    • Dhisida guddi qaran oo ka shaqeeya dib u heshiisiinta.
    • Dhisida dowlad ay dhamaan qeybaha bulshadu iska arkaan oo aan koox ama qabiil kaliya loo tiirn.
    • Hubinta hufnaanta dhamaan madaxda loo igmanayo masuuliyad qaran si aysan u noqon kuwo khaladaad horay u galay oo laga dido.
    • Hubinta in dowladda dhexe dhamaan goboladda ay ka suurto galiso mashaariic horumarineed oo aanay kala lumin shacabka & dowladda dhexe ayna noqdaan kuwo aanay maamul goboleedyadu u kala dabqaadaan.
    • In ay dowladda dhexe ka shaqeyso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada oo ah halka dowladdu ka dhisanto.
    • In laga shaqeeyo sidii amniga dalka loo sugi lahaa ayadoo cid walba laga qeyb galinayo oo aan laga dhigeyn shaqo gaar u ah ciidan ama dad gaar ah.
    • Dhisida & qalabeynta xarumaha waxbarasho & caafimaad ee hadda dhamaan wadanka ka jira si loo helo bulsho aanay ragaadin caafimaad darro & jahli.
     
     
    Marka laga helo maamulka Madaxweyne Farmaajo intaas & in kale oo aanan sheegin, waxaa suurta gal ah in dadka & dalkuba badbaadaan ayna noqdaan kuwo isku duubaan oo dhaxanta iska dugsada iskana hariya cadceeda.
     
     
    Xaqiiq waxaa ah in maanta haddaan la shaqeyno dowladda cusub ayaduna ay kaa faa’iideysato isku duubnideena aynu gaari doono halka maanta dowladaha aynigeena ahi joogaan, mudo yarna uga soo kabsano dhibkii aan sanadaha badan kusoo jitney ee inala haray dad & dalba.
     
    Ahmed Abdirizak Jama
    Nairobi, Kenya
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.