Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qorshaha Caafimaadka Trump oo mucaaradad xoog leh ay ka hor timid
    Somalia

    Qorshaha Caafimaadka Trump oo mucaaradad xoog leh ay ka hor timid

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox ganacsato ah oo mataleysa cisbitaallada ayaa muujisay cabsida ku saabsan qorsha caafimaadka ee Jamhuuriga ay wadaan.

    Kooxda waxay sheegtay in dadka aan waxba haysan ee Amerikaanka ah ay wayn doonaan ceymiska caafimaadka.

    Ururka cisbitaallada Mareykanka ay ku mideysan yihiin ee AHA wuxuu sheegay in dadka “ugu nugul” xaaladdooda shaki uu gelin karo qorshaha cusub.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay mudanayaasha Congress-ka Arbacadii, wuxuuna u sheegay inuu taageeray xeerka.

    Jamhuuriyiinta qunyar socodka ah ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in dadka masaakiinta ah laga qaado kaararka ceymiska.

    Qorshaha csusb oo loo bixiyay, Xeerka Caafimaadka Amerika, wuxuu badalayaa midka caafimaadka ee qofkastaa uu awoodo ee hadda loo garanayo Obamacare.

    Midka cusub wuxuu dhigayaa:

    • In la xadida dhaqaalaha federaalka uu ku bixiyo caafimaadka loo garanayo Medicaid, kaas oo taageero dadka dakhligaadu hooseeyo
    • joojinta shuruudaha qofkaste u saamaxaya inuu ceymiska helo
    • in la bedelo kaabidda canshuuraha

    Sida guud, qorshaha waxaa la filayaa in dad ka yar kuwa hadda heli kara ceymiska Obamacare uu ka daboollo baahida caaafimaadka.

    Balse weli lama garan karo tirada dadkaasi iyo dhaqaalaha ay ku bixinayaan, waxaana suuragal ah in ay qaadato isbuuc kale.

    Balse, qorshahan ayaa maridoono, aqalka congress-ka ka hor inta uusan meel marin.

    Maxay cisbitaallada iyo dhaqaatiirta ka dheheen qorshan?

    Gudoomiyaha ururka AHA, oo ah midka matala 5,000 oo cisbitaal iyo xarumo caafimaad, wuxuu warqad uu u diray Congress-ka ku sheegay in awoodda ku biiridda qorshaha “aad ay u cabad badan tahay”.

    Wuxuu sheegay in uusan qorshaha lahayn qiyaas cad oo ku saabsan miisaaniyadda ku bexeysa.

    Balse qorshaha “wuxuu si weyn u jaridoona barnaamijka lagu taageero dadka saboolka ah”, sida uu sheegay Rick Pollack.

    Qoraal kale oo koox dhaqaatiir ah ay u qoreen Jamhuuriyiinta wuxuu Congress-ka ka dalbanayaa in la xushmeeyo ceymiska caafimaadka ee dadka saboolka ah.

    Yaa u taagan qorshahan caafimaadka ee maamulka Trump?

    Afhayeenka aqalka Congress-ka, Paul Ryan ayaa qorshaha ku tilmaamay “diiwaanka rabitaanka muxaafidka” iyo “taariikhda, farxadda is bedelka muxaafidka”.

    “Tan waa midda aan ku riyoonay anagoo sameyneyna”, ayuu u sheegay saxafiyiinta.

    • Trump oo canshuur dheeraad ah saaray alaabta Mexico
    • Dad mucaaraday xayiraaddii Trump oo ‘shaqada laga ceyriyay’
    • Muran ka taagan hannaanka caafimaad ee Obamacare

    Madaxweyne Trump wuxuu ololaha doorashada ku galay in la bedelo ceymiska caafimaadka ee Obamacare.

    Wuxuu ku tilmaamay ceymiskaasi mid sare u qaaday dhibaatada, sidoo kalena aan lahayn rabitaan shacab.

    Afhayeenka aqalka Cad, Sean Spicer wuxuu sheegay in madaxweynaha “uu diyaar u yahay meelmarinta”.

    Balse, ka hor inta uusan ka dhaadhicin shacabka, wuxuu u baahan yahay in shakiga xisbigiisa ku dhex jira uu ka saaro.

    Jamhuuriga waxay maamulaan Aqalka Cad iyo labada gole ee baarlamaanka, balse ma cadda in qorshaha uu heli karo cod lagu meelmariyo.

    Qorshaha “wuxuu ku dhamanayaa” albaabka senate-ka, ayuu yiri senator-ka laga soo doortay Kentucky, Rand Paul.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.