Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas”Dhismaha Garoonka diyaaradaha Galkacyo iyo wadada isku xirta Eyl iyo Garowe ayaan bilaabaynaa dhismahooda”
    Somalia

    Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas”Dhismaha Garoonka diyaaradaha Galkacyo iyo wadada isku xirta Eyl iyo Garowe ayaan bilaabaynaa dhismahooda”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Marcha 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Casimada Dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo cashacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

    Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey guulo lixaadle oo ay ka soo gaadheen safarkoodii, isagoona shaagay wadahadal ay la yeesheen Dalka Itoobiya ay ka guul gaadheen laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhowaan labilaabo doono labadaasi mashruucba.

    ‘’aniga iyo wefti Balaadhan oo aan hogaaminayey waxaanu mudo kooban ku maqnayn dalalka Itoobiya iyo imaaraadka, halkaas oo aanu ka soo hoyney guulo waawayn, waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl  waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba’’

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa nuxurka safar kaasi balaadhinta mashruuca dekeda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.

    ‘’waxaan kaloo tagnay Dalka isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo aanu u tagnay mashruucii balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso,  hawshaasina meel fiican ayay maraysey, waxaana uga soo tegey wefti uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, waxaan illahay ka rajaynayaa inuu guul ku soo dhameeyo’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey Ciidamada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka bada Puntland  ‘’PMPF’’guushii ay ka gadheen soo qabashada markabkii dhowaan la af-duubtay, waxaana uu mahad iyana u soo jeediyey Dawladda Imaaraadka oo iyagu gacanta ku haya ciidanka Bada Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa marlabaad ugu Tacsiyeeyey   Shacabka Puntland, eheladii qarabadii, qoyskii, asxaabtii iyo  gaar ahaan Baarlamaanka Puntland geeriddii alle ha u naxariistee xildhibaan Cabdiqaadi Faarax Bootaan.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaagay in Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso dhamaystirka dhimaha DFS isla mar’ahaantaana Balanqaaday in ay si dhaw ula shaqaynayso Dawladda Puntland.

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/DVvO1fXxgQk

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.