Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wariye Cawil Daahir oo ku geeriyooday qaraxyadii Xamar
    Somalia

    Wariye Cawil Daahir oo ku geeriyooday qaraxyadii Xamar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 23, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray.


    Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.
    Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.


    Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban.


    Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.


    Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay.


    Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.