Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jubaland oo bilaabaysa hawlgalka sifayanta Alshabaab
    Somalia

    Video:-Jubaland oo bilaabaysa hawlgalka sifayanta Alshabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 26, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Daraawiishta ay halkaas ku leeyahiin.


    Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Deegaanka isagoo u kuur galay baahiyaha halkaas ka jira iyo sidii deegaanada ku dhow looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabaab.

    Daraawiishta Jubaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe


    Madaxweynaha oo kulankaasi kadib la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen qorsheyaal loo dhanyahay oo la doonayo in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, kuwaa oo uu xusay in ay kusoo koobmeen hadal oo qura.


    Waxa uu sheegay in hadda ay doonayaan in ay sameeyaan isku tashi, oo ay dagaalka bilaabaan ayagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in aysan cidna ka sugeyn in ay dhulkaasi xoreeyso.

    Daraawiishta Jubaland


    โ€œHowlgalkan wuxuu noqonayaa mid dhab ah oo aan bilaabeeyno, in badan baan ka hadalnay howlgal, laakiin maanta aan ku talo galeeyno in aan isku tashanno,โ€ ayuu madaxweynuhu yiri.

    Axmed Madoobe jiida hore


    Waxa uu ciidamada faray in ay u diyaargaroobaan howlgalladan, isagoo sheegay in ay kaashan doonaan ciidamada AMISOM, ayna ka goโ€™antahay in howlgallada la bilaabo isagoo sheegay in ay dhaqaaqi doonaan xitaa haddii ay noqoto in ay keligood noqdaan.


    Dhinaca kale, magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degmooyinka kale ee Jubbaland ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan howlgallada ka bilaaban doona Jubbaland.


    Midowga Africa,ayaa ku dhawaaqay hawlgal lagu xoraynayo dhulka Alshabaab gacanta ku hayso ee guud ahaan Somaliya sanadka cusub in ay bilaabayaan,iyadoo xogo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in qorshaha hawlgalkaas ay dabada ka riixayso Dowlada Dhexe. ee Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/i455353/videos/10156789658401878/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.