Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Caadil Al Jubeyr oo laga qaaday xilkii wasiirka arimaha dibada Sacuudiga
    Somalia

    Caadil Al Jubeyr oo laga qaaday xilkii wasiirka arimaha dibada Sacuudiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 27, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda.

    Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore.

    Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad.

    Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda eek u taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa.

    Go’aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr.

    Dilkii wariye Khaashuqji ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay iney dilkaas ku lug yeesheen.

    Maqaal uu Jamaal Khaashuqji ku qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu uu yahay dalka Mareykanka ayuu si toos ah ugu dhaliilay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo lagu tilmaamo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulaya dalkaas.

    Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay beenisay iney wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin.

    Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilkaas aysan wax lug ah ku lahayn qoyska boqortooyada.

    Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khaashuqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.