Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumada Jubaland?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumada Jubaland?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 27, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 27, Dec, 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay furitaanka kulankan caadiga ah ayaa ka hadlay Arimaha Amniga iyo dib u xoraynta deegaanada Jubbaland kuwaas oo wali ay haystaan Kooxaha Argagixisada ah waxaa Madaxweynahu uu sharaxay diyaar garoowga iyo howlaha isku xirka howlgalka lagu xoraynayo Degmooyinka iyo deegaanada wali aan gacanta ku jirin.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay in hanaanka dib u xoraynta Jubbaland gaar ahaan deeganada Gobolka Jubada Dhexe ay miiska saaran yihiin isla markana sidoo kale la isku furayo Magaalooyinka xorta ah isku dubaridka howlahana ay yihiin kuwo u baahan Midnimo iyo gacmaha oo la is qabsado.

    Dhinaca kale Golahu waxay Ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2019ka taas oo dhan 24,233,844.52 Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi miisaaniyadan ayaa waxaa ay ka kala imanaysaa dhamaan ilaha dakhliga kala duwan iyadoo ay golahu si rasmi ah u meel mariyeen dhawaana la horgayn doono Golaha shacabka si ay u Ansixiyaan.

    Waxaa kale oo ay golahu meel mariyeen xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland lana doonayo in lagaga hortago xaalufka deegaanka iyo ilaalinta hanaanka isticmaalka waxyaabaha dhulka kor saaran sida in la yareeyo qodista buuraha iyo samaynta xirmooyinka dhulka xiliyada ay barwaaqadu jirto.

    Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ayaa iyana waxaa ay warbixin ka soo bandhigtay shir ka dhacay Nairobi oo lagaga hadlayay ka faa’iidaysiga khayraadka badaha taas oo muhiim u ah Jubbaland iyo in Wasaarada ay si rasmi ah ula socoto wax walba oo laga samaynayo badaha Jubbaland sida kaluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan.

    DHAMAAAAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.