Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin awoodaha Xaafiiska qaramada midoobey Ee Somaliya?
    Somalia

    Maxay yihiin awoodaha Xaafiiska qaramada midoobey Ee Somaliya?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee haatan jira ayaa la hirgeliyay bishii June ee sannadkii 2013-ka, xiligaasi oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay meel mariyeen qararr tirsigiisu uu yahay 2102.

    Sanadkaasi ka hor waxaa howlaha Qaramada Midoobay gacanta ku hayay wakiilladii Xoghaya Guud ee arrimaha Soomaaliya, balse xilligaasi ayaa magaca laga badelay oo laga dhigay xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya.

    Howgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore dib u cusbooneysiisay golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay, waxaana howlaha UN-ka ee ay iminka ka qabtaan Soomaaliya ay ku egtahay 31 bisha maarso ee sannadkan 2019-ka.

    Golaha ammaanka ayaa sannadkii 2013-kii si buuxda isug raacay qaraar tirsiigiisu uu yahay 2102, kaasi oo dhigaya in shaqada xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ay tahay in dowladda uu kala taliyo arrimaha gundhiga u ah siyaasadda iyo howgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

    Arrimahaasi waxaa ka mid ah sida ku cad howlaha loo igmaday; ka shaqeynta nabadda iyo dib u dhiska hay’daha dowliga iyadoo diiradda la saaraya, dowlad wanaaga iyo dib u habeynta laamaha ammaanka.

    Waxaa kale oo howlaha loo igmaday kamid ah: soo celinta kala dambeynta sida horumarinta hannaanka federaalka, dib u eegista dastuurka, ka shaqeynta dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo walibana isku duba ridka taagaeerada deeq bixiyeyaasha caalamka ay siiyaan Soomaaliya.

    Waxyabaha kale ee loo igmaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ah xoojinta hay’adaha dowladda, sare u qaadida xuquuqul insaanka iyo awood siinta dumarka iyo carruurta.

    Golaha ammanaka ee Qaramada Midoobay ayaa xafiiska UNSOM ee Soomaaliya sidoo kale u igmaday inay la socdaan, baaritaanna ku sameeyaan xadgudub walba oo ka dhan xuquuqda aadanaha, kana soo horjeeda sharciga xuquuqul insaanka ee caalamka iyo kan Soomaaliya.

    Hasa yeeshe, sida ku cad bogga rasmiga ah ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waa in Soomaaliya ay ka soo fushaa howlaha ay tahay in beesha caalamka ay ka caawiso.

    Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa saddexdii bilood ba mar si joogta ah ugu wargeliya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dhaqan gelinta howlaha loo igmaday howgalka UN-ka ee Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.