Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo xilkii ku wareejiyay Madaxweynaha la doortay Siciid Dani
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo xilkii ku wareejiyay Madaxweynaha la doortay Siciid Dani

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2019Updated:January 14, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynaha xilka ka dagaya Cabdiweli Gaas,kaddib  munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

    “Waxaa farxad wayn ii ah iyo maamuus in aan si rasmi ah xilka ugu wareejiyo, Madaxweynaha la doortay ee Siciid Deni”. ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

    ” Waxaan dhammaan hay’adaha Dowladda iyo saraakiisha ciidammada si xushmad leh uga codsannayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub .. waxaan kaloo ka codsanayaa Dadweynaha Puntland in Madaxweynaha la siiyo waqti ,la-garab galo loona duceeyo .. Waxaan u caddaynayaa Madaxweynaha in aan diyaar u ahay wixii tallo iyo tabar ah ee uu iga baahdo , waxaan u rajeynayaa shacab weynaha Puntland horumar,baraare iyo Nabad waarta”.

    Madaxweyne Gaas,ayaa sidoo kale cafis waydiistay dadweynaha reer Puntland,sidoo kale cafiyay cidi danbi ka gashay oo uu wax ka tirsanayay

    Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee xilka loogu wareejiyay, waxa uu xaqiijiyay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa bulshada Puntland, horayna loogu socod-siin lahaa mashaariicda horumarineed.

    “Madaxweynaha waxaan kala wareegay si rasmi ah dhammaan document iyo qoraaladii ay Dowladda ku shaqeynaysay, kuwa la ogaa iyo kuwa qarsoon intaba , xog maanta Puntland ay leedahay oo annaga naga qarsoon ma jirto, si rasmi ah ayuu noogu wareejiyay … Anagana waxaan rajeynaynaa wixii sir Dowladeed ah in aan xafidno , wixii mashaariic ah horay u sii wadno, wixii aan u aragnay in aan wax ka bedelno si ay u qurux badnaato maamulka Puntland aan ku soo siyaadino”. ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

    Waxa uu ka dalbaday shacabka Puntland in ay midnimada iyo wadajirka ka shaqeeyaan oo Dowladda la garab istaago, isagoo dhanka kale ballan qaaday in maamuuska ay mudan yihiin ay mar walba ka heli doonaan madaxdii hore “Xilalku in lakala wareejiyay un weeye ee lama kala guurin” ayuu yiri.

    “Markan dib u fiirino oo waxa ka qaldan wax ka beddelno dhinaca maaliyadda ,mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha Dowladda waa waxa ugu horreeya ee khasnadda Dowladda ka bixi doona” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland .

    ” Waxaan kaloo halkan ka caddeynayaa haddii Illaahay idinka ka dhigo, cid kasta oo ku xadgudubta qaanuunka iyo shuruucda u taalla dalka haddey noqoto mid maaliyadeed iyo mid maamulba talaabo deg-deg ah ayaan ka qaadi doonaa..

    Cid aan uga haybaysan doona ilaalinta sharciga ma jiro doono, qof walba u diyaar garow  waxa uu sharciga qabo, qofka waxa uu sharciga qabo ayaan ku wada dhaqmi doonaa”ayuu yiri madaxweyne Dani

    ”Waadna arki doontan wax kasta oo qalooc ku ah  ama dulqaadkii uu Madaxweynaha soo sameeyay, runtii markan sheekaysanay dulqadkiisii wuxuu isku beddelay eedeyn, ma rabo taas oo kale in ay igu dhacdo, waxaan rabaa wixii sharciga uu qabo inan ku camal falno, qof walbana waxa uu mudanyahay uu helo”. ayuu yiri Madaxweynaha la doortay oo hadalkisii sii wata.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/_Gqc9stM3yE

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.