Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga caleema saarka Madaxweyne Dani oo la magacaabay
    Somalia

    Gudiga caleema saarka Madaxweyne Dani oo la magacaabay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

    Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka booban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland .

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayndoono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

    โ€œWaxaan galabta kulan la yeelanay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kulan kaasi waxaa lagaga hadlayey xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, maadaama aan galnay doorasho aad u qurxoon, isla markaasna maanta xilwareejintii ay u dhacday si wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan samayno xaflad aad u heersaraysa oo aan ku soo dhoweynayso Madaxda cusub, waxaan casumid doonaa, beesha caalamka, saxiibada Puntland, Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliyaโ€ ayuu yiri Wasiir Shire Xaaji Faarax.

    โ€“DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.