Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Alshabaab iyo Itoobiyaan ku dagaalamay Hiiraan
    Somalia

    Video:-Alshabaab iyo Itoobiyaan ku dagaalamay Hiiraan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 18, 2019Updated:January 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo marayay Duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay.

    Weerarka ayaa marka hore ku bilowday qaraxyo miino oo lala eegtay ciidamada itoobiya, kadibna waxaa xigay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada itoobiya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Kolonyadan ka tirsan Ciidamada itoobiya ayaa waxaa ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba, waxaa ayna ku sii jeedeen magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay.

    Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal.
    Ilo Madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka marka uu istaagay kadib ay ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay si toos ah u bartilmaameedsadaan dadka Beeraleyda ee ku dhaqan duleedka degmada Buurhaba.

    Dadkii ay waxyeelada gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ayaa la geeyay isbitaalada ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

    Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in Ciidamo itoobiyaan ahay ku dileen dagaalka, islamarkaana waxaa ay tilmaameen in ay gaadiid badan gubeen, mana jirto cid xaqiijin karta warka ay sheegteen Al-Shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.