Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saamayn intee le’eg buu ku leeyahay sirdoonka Sudan arimaha Somaliya?
    Somalia

    Saamayn intee le’eg buu ku leeyahay sirdoonka Sudan arimaha Somaliya?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa Sirdoonka Suudaan: 5 Sano Ayuu Jagadan Hayey, Waxaana Loo Xiray Afgambinta Al-bashiir.

    Agaasimha Guud ee Sirdoonka Suudaan Saalix Cabdalla Maxamed(Qoosh) ayaa booqasho waxaa uu ku yimid marsii horaysay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa xiligaa isna aha, agaasimha Nisa Xuseen Cusmaan Xouseen.

    Haddaba, Waa Kuma Saalax Qoosh:

    Saalax Cabdalla Maxamed(Qoosh) waa nin galaangal badan, 5 sano ayuu shaqadan hayey, waxaa uu la-taliye xagga amniga u noqday madaxweyne Cumar Al-Bashir ka hor inta aan loo xirin inuu afgambi rabay, 2013-kii ayuu Al-bashiir cafiyey, kadibna waxaa mar kale laga dhigay agaasimaha sirdoonka.

    Waxaa uu ka mid ahaa Islaamiyiinta Suudaan, waxuuna ka qalin-jabiyey Jaamacadda Khartoum kana bartay Ingineeriya, waxaa uu masโ€™uulka ka ahaa sirdoonka Ikhwaanka muddo 20 sano ah.

    Sirdoonka waxaa uu ka qabtay jagooyin badan sida ku-xigeenka agaasimaha howl-gallada, shaqada sirdoonka waxaa uu ka tagay 1996 kadib markii isaga iyo saraakiil kale lagu tuhmay inay shirqool ku dilli rabeen Xusni Mubarak. Waxaa uu sidoo kale noqday maamulaha warshad hubka sameysa iyo Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.


    Markii ay is khilaafeen Cumar Al-bashiir iyo Xasan Al-turaabi, oo ninka dambe sameystay xisbiga โ€œMuโ€™tamar ee Shacbigaโ€ waxaa uu aaday dhanka Al-bashiir, isaga oo taageerayaasha Turaabi ka nadiifiyey Sirdoonka Suudaan.

    Waxyaabaha lagula yaabo waxaa ka mid ah inuu dhowr jeer xiray macalinkiisa Xasan Al-Turaabi kuna eedeeyay afgambis, waxaa kale uu la shaqeeyay sirdoonka Markeynka xilli ay doon-doonayeen madaxweyinihiisa Al-bashiir.

    Hadaba waxaan u socdaa ina Somaliya dadka Qasaya ee islaamiyinta ah inta Badan inay Sudan wax ku soo bartaan waxaana la xidhiidhanayaa Awooda sirdoon ee Dalkaasi ku leeyahay Qaska Dalkeena.

    Waxaan xasuustaa xili ay Deeganka Somalida ee Itobiya ayay Xadhig ku bilawday Dhalinyarada Jaamacadaha Suudan wax ku soo bartay Xiligaa kadib ayaan Ogaada u jeedada.

    Majiro Dal inoo Nasteexa midkastaa ujeedo ayuu inaga leeyahay Somaliyeey.

    Mubarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.