Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaybtii Sadexaad ee Sheekadii Basaaskii Somaliga ahaa ee u shaqaynayay CIA-da
    Somalia

    Qaybtii Sadexaad ee Sheekadii Basaaskii Somaliga ahaa ee u shaqaynayay CIA-da

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2019Updated:January 22, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Barashadii Ibraahin iyo Shanklin 


    Mike Shanklin, waxa uu noqday ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho 1990-kii markii dagaalyahanno uu hoggaaminayo Gen Maxamed Faarax Caydiid ay billaabeen inay irdaha u soo xiraan 21 sano oo keli-talisnimo axmaqnimo ah uu Soomaaliya ku horsocday Gen Maxamed Siyaad Barre.

    Ka hor inta aysan dowladdu burburinin, muddo bilo ah ayuu Shanklin habeen iyo maalin ka shaqeynayey sidii uu xiriir ula sameyn lahaa ganacsade hanti badan haysta oo deggenaa waqooyiga Muqdisho (Ibraahin). Ganacsadahan oo ahaa nin dhallinyar oo awood badan leh, xiriirkiisuna badan yahay wuxuu sameystay ciidamo uu isagu gaar u leeyahay markii dagaalku dhacay kaddib, waxaana uu noqday nin CIA-da la shaqeeya, isagoo ku caawiyey dokumentiyo sir ah oo Shanklin uu ka gaabsaday inuu shaaciyo.

    Black Hawk Down.

    Ciidanka Delta Force
    Waxa uu sheegay Shanklin inay Ibraahin yeesheen xiriir aad u sokeeya oo daacadnimo ku jirto. Markii qalalaasuhu ku soo dhowaaday Muqdisho, waxa ay Shanklin is barteen Stefania Pace oo ay Ibraahin lammaane ahaayeen. Shanklin waxa uu Xamar ka baxay 1991 kaddib markii dagaalyahannadii Caydiid ay ku guuleysteen inay Barre kala wareegaan awoodda, kana qabsadeen Muqdisho ka hor inta aysan iyagu qoryaha iskula soo jeesan.

    Markuu ku noqday xarunta CIA, waxaa loo diray dagaalkii Gacanka, si uu ugu dhexeeyo mukhaabaraatka iyo milatariga Mareykanka. Kaddib waxaa loo beddelay dalka Liberia oo looga dhigay madaxa xafiiska CIA-du ku leedahay halkaas. Markuu howshii soo dhammeystay ayuu u sheegay madaxdiisa inuu doonayo in hadda kaddib loo diro meel hadduu nalka shido uu nalku shidmayo, haddii qasabadda uu furana ay biyo ka imaanayaan. Codsigiisa cidna ma diidi karin, waxaana la geeyey London isagoo xiriiriye u noqday mukhaabaraatka Mareykanka iyo kan Ingiriiska.

    Madaxweyne Bush oo jooga Baydhabo
    Markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush uu ku dhawaaqay inuu gaas Marines ah u dirayo Soomaaliya, si ay u hubiyaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka macluulsan ayaa CIA-du doontay Shanklin inuu qarsoodi ku galo Muqdisho iyadoo ay wehliyaan xayn kale oo sirdoon ah, si ay u suura-geliyaan in ciidanka Mareykanku ay degaan xeebta Xamar iyagoon dhibaato la soo dersin.

    Iyadoo Ibraahin uu ku caawinayo taageero dhinaca farsamada ah ayaa xubnihii sirdoonka CIA-du waxay ku duuleen diyaarad aad u yar, waxayna ka degeen garoonka Cisaley ee waqooyiga Muqdisho horraantii December 1992. Si kasta ha noqotee, joogitaanka ay Muqdisho joogaan ayaa halis ku ahayd dhammaantood. Sida Shanklin uu yiri, โ€œWaxay Muqdisho ahayd meel waali iyo sharci laโ€™aani ka jirto, kuwa xoogga lihina ay gawaarida tiknikada ku socdaan, ugu yaraan qof walbana wuxuu sitay qori.โ€

    Ciidammadii ugu horreeyey ee Marines-ka Mareykanku markey caga dhigteen xeebta Muqdisho 9-kii December 1992, Shanklin oo ay la socdaan rag Soomaali ah oo uu Ibraahin ku soo daray ayaa waxay taagnaayeen xeebta Liido, iyagoo sameynayey howlgal waardiyeyn ah, waxaana uu Shanklin sheegay inuu ku kalsoonaa in dagaalyahannada Caydiid aysan soo weeraraynin ciidammada degaya.

    Hase yeeshee, kalsoonidiisii waa burburtay markii xaafadda Bermuuda ay barqanimadii maalintaas ku joojiyeen miliishiyo hubeysan, isagoo wada Taliyihii CIA-da Muqdisho, si uu u soo baro Ibraahin. Isla markiiba miliishiyadii waxay qaateen qori casri ah oo CIA-du lahayd, iyagoon garanayn ragga ay hayaan inay sirdoon Mareykan yihiin iyo in kale.

    Shanklin oo qatar ugu jira in la dilo isaga iyo ragga kale ee la socda ayaa degay oo ka dalbay taliyihii miliishiyada Soomaalida inuu xaalka dejiyo. Kaddib markii uu maliishiyada mashquuliyey ninkii qoriga qaatay ayaa waxaa u suura-gashay Shanklin inuu degdeg ku fuulo gaarigii, si xowli ahna ku dhaqaajiyo oo uu meesha kaga ordo.

    Saxiibayal lasocda Qaybta Lale insha alaaha.

    Mubarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.