Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaybtii Shanaad Ee Basaaskii Somaliga ahaa Ee lashaqayn Jiray CIA-da
    Somalia

    Qaybtii Shanaad Ee Basaaskii Somaliga ahaa Ee lashaqayn Jiray CIA-da

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shanklin, wuxuu faray basaasiinta Soomaalida inay bakooraddii qalabku ku xirnaa u dhiibaan ninkaas, si uu ugu geeyo Caato. Ninkii ayaa gaari ka soo raacay waqooyiga Muqdisho, wuxuuna u yimid Caato oo ay ballansanaayeen. Waxay dabadeed isla soo raaceen gaari kale, waxaana uu gaarigii istaagay meel shiidaal looga shubayey. Markaas ayaa Shanklin waxaa soo wacay ragguu tababaray oo wargeliyey in Caato ku jiro gaariga dhexdiisa, wuxuuna wacay ciidanka Delta Force oo degdeg ku soo howlgalay.

    Diyaarad yar oo helicopter ah ayaa gaariga heshay, waxaana ay isku soo laadlaadisay hoos. Nin askari ah ayaa matoorka ka shiishay gaariga. Isla markiiba ciidankii Delta waxay gaariga kala soo degeen Caato oo ay jeebeeyeen. Waxay ahayd markii ugu horreysay taariikhda ciidanka Mareykanka oo gaari dhaqaaqaya lagala dego qof, siduu sheegay Shanklin. Qaabka CIA-du ku qabatay Caato, waxaa aad u bogaadiyey Gen William F. Garrison oo ahaa Taliyaha ciidanka Delta Force ee Muqdisho ku sugnaa.

    Hase yeeshee, guushaas ay CIA-du soo hoysay ma noqon mid sii waarta. Wax ka yar laba toddobaad ayaa waxaa qarxay dagaalkii 3-da October ee loo bixiyey Battle of Black Sea, waxaana dhacay halaag lagu muujiyey movie-ga Black Hawk Down. Waxaa furinta dagaalkaas ku le’day boqolaal Soomaali ah iyo 18 askarta Mareykanka ah.

    Robert B. Oakley
    Gen Maxamed Faarax Caydiid oo ku faraxsan guusha ay dadkiisu ka soo hooyeen dagaalkaas iyo sida ay u bahdileen sirdoon ku faana inuu qamar-sanaaciga kala socdo dhaqdhaqaaq walba ayaa ugu goodiyey Robert Bigger Oakley oo ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, “Waxaan ahay Eisenhower. Markey noqoto dagaal, waxaan ahay General Culus. Markey noqoto nabad, waxaan ahay Madaxweyne Weyn.” Jawaabta Oakley waxay ahayd, “Caydiid, nabaddii Soomaaliya albaabka ayay soo garaacday, waana inaad soo dhoweysaa.” (Dwight Eisenhower wuxuu ahaa Jeneraalkii ciidanka Mareykanka hoggaaminayey dagaalkii labaad ee dunida, wuxuuna markii dambe noqday Madaxweynihii 34-aad ee Mareykanka).

    “Wax kasta oo siyaasaddeennu ahayd, maalintaas ayay dhammaatay” ayuu yiri Shanklin. Fadeexadihii Shanklin uu mas’uulka ka ahaa ee CIA-da ku dhacay waxaa ka mid ahaa markii ciidanka Mareykanku ay galeen guri u dhow guriga Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqatoo, isla markaana ay soo xirxireen shaqaalaha hay’ad samafal oo ka howlgalayey Muqdisho iyo markey u dheceen guri ku yaalla waqooyiga Muqdisho oo ay ku shirayeen waayeel iyo waxgarad ka mid ah qabaa’ilka deggan Muqdisho, iyagoo ka duulaya khabar loo soo sheegay oo ahaa in Gen Caydiid uu ku dhex jiro shirka.

    Waxay ciidanka Mareykanku halkaas ku soo xireen Gen Axmed Jilicow Caddow oo ay u maleeyeen inuu yahay Gen Caydiid. Markii hore wuxuu ku adkeystay inuusan ahayn Gen Caydiid, hase ahaatee markii xoogaa la handaday ayaa Gen Jilicow oo ka welwelaya in la dilo, waxa uu isku difaacay inuu yahay Gen Caydiid. Waxaa la geeyey siligga Mareykanka, halkaasoo saraakiisha Qaramada Midoobay oo ku faraxsanaa in la soo helay Gen Caydiid ay la yaabeen markey arkeen Gen Jilicow oo ahaa ninka ay la rabeen inuu noqdo Taliyaha ciidanka Police-ka Soomaaliya.

    Qaladka kale waxa uu ahaa markii xafiiska CIA-da loo soo sheegay in laba nin oo ilaalo u ahayd Caydiid ay diyaar u yihiin inay sheegaan meesha hoggaamiyahoodu ku jiro. Garrett Jones ayaa kaddib u diray Spinelli oo ahaa ku xigeenkiisa inuu la soo shiro raggaas. Markuu Spinelli marayo xaruntii Warshadda Baastada ee Muqdisho ayaa dad taageersan Caydiid waxay xabadeeyeen gawaaridii CIA-du wadatay, waxaana si xun u dhaawacmay Spinelli oo sheegay inuu ku sigtay inuu dhinto.

    Mubarak ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.