Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ONLF oo ka hadashay khilaafka Xisbiga talada Deegaanka haya
    Somalia

    ONLF oo ka hadashay khilaafka Xisbiga talada Deegaanka haya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool Dowlad Deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.


    ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u dooranayaan inay qabato hoggaanka.


    Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka soomaalida.


    Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya (ONLF) ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo si caddaalad ah iyadoo lala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso.


    “ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi”.


    Ugu dambeyn, ururka ONLF ayaa ka codsaday xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida in khilaafka soo kala dhexgalo ay iyagu xalliyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.