Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo furay Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka
    ????????????????????????????????????
    Somalia

    Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo furay Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 29 January 2019 daah furey Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka oo markii ugu horaysey ka furmay Africa gaar ahaan dowladda Puntland ee Soomaaliya.

    ????????????????????????????????????

    Shirweynahan oo socondoona muddo laba cisho ah ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, bahda caafimaadka Puntland, siyaasiyiin, Murwada Madaxweynihii hore ee Puntland Pro. Hodon Saciid Ciise, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey shirweynaha Kaalinta Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka in markii ugu horaysey Africa lagu qabto gaar ahaan dowladda Puntland ee Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijkan kor u qaadayo kaalinta hogaamineed ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha caafimaadka.

    ????????????????????????????????????

    ”Waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qayb galo, waxaan dhiiri gelinaynaa in caafimaadkeena uu sare u koco, waxaan dhiiri gelinaynaa in dumarkeenu hogaanka dalka ay qayb ka ahaadaan, inay goobjoog ka ahaadaan madal walba oo lagaga arrinsanayo siyaasadda, haweenka Soomaaliyeed meel walba saamayntooda waa ay leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaah Puntland.

    Ugu danbeyn, Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabullaahi Deni ayaa sheegay in haweenka ay yihiin laf-dhabarta nolosha bini aadamka, islamar’ahaantaana haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa marwaliba ugu saamynta badan nolosha %70 taasoo ay ku mutaysteen wakhtiyadii iyo dhibkii faraha badnaa ay kasoo samata bixiyeen Alle ‘SWC’ ka sokow qoysaskooda,hoos akd aawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/BTOIExgXn-U
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.