Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya oo sheegatay in ay dishay tiro badan oo ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab
    Somalia

    Itoobiya oo sheegatay in ay dishay tiro badan oo ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbaahinta Fana ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa kusoo warrantay in ciidammada cirka ee dowladda Itoobiya ay duqeyn ku dileen 35 dagaalamayaal oo katirsan ururuka Al Shabaab.

    Itoobiya ayaa sheegtay in weerarkan uu dhacay 24kii bishan Janaayo.

    War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay socotay 44 daqiiqo, lagu bartilmaameedsaday saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada Buurhakaba oo qiyaastii 75 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

    Militariga Itoobiya waxay sidoo kale sheegeen in madaxa howlgalka Al Shabaab ee deegaankaasi, Abdul Cismaan ay ku dileen weerarka iyo in burburiyeen afar kamid ah gawaarida dagaalka.

    Ururka Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ciidamo katirsan Itoobiya ay ku weerareen inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Burhakaba, waxaana ay shegeen inay halkaasi ku dileen tobaneeyo kamid ah ciidammada Itoobiya.

    Hasayeeshe, hadalkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya waxaa beeniyay ururka Al Shabaab.Article share tools

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.