Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Malaga yabaa Deni in uu jaleeco Wasaarada Caafimaadka?
    Somalia

    Malaga yabaa Deni in uu jaleeco Wasaarada Caafimaadka?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaarada Caafimaadka Puntland sida ka muuqata magaceeda ha uqaadan oo haku kadsoomin, mahan xarun utaagan daryeelka Caafimaadka bulshada ee taa badalkeeda waxay hoy unoqotay danbiilayaal ku bahaloobay hantida umada.

    Xarun gacanta ugashay bahalo aan Dal iyo Dad udanaynayn,ayay noqotay Wasaaradii 3-aad ee ugu macnaha badnayd Wasaaradaha Puntland.
    Waxaa haysta koox isfahantay qawlaysata ah oo u midoobay in ay iibsadaan dawada loogu talagalay in caafimaadka bulshada lagula tacaalo.
    Koox ka qaraabata Siminaarada,Mashaariicda iyo Deeqaha caalamku ugu talagaaly horumarinta Caafimaadka Puntalnd.

    Shaqsiyaadka bahaloobay ee isku xiran,isla markaana ubahoobay dhaca qarsoon ee hantida Umada,ayaa kala ah:-

    1.Cabdirisaaq Xirsi Xassan waa Agaasimaha guud ee Wasaarada,waxuu Garowe ku leeyahay ilaa 12-Guri,sidoo kale waxuu leeyahay ugu yaraan 14-Boos oo banaan.dhamaan Hantidaas waxuu ka tabcaday Dakhliga sida musuqa ah loogala baxay Mashaariicda Wasaarada.
    Sidoo kale Agaasimaha guud Cabdirisaaq Xirsi Xaaskiisa oo lagu magaacabo Nimco waxay ka tahay Wasaarada Madaxa WASH-ka.

    2:Cabdirisaq Abshir Xirsi,Agaasime Waaxeedka Caafimaadka Asaasiga ah,sidoo kale waa hantiile ka tabcaday Wasaarada mudadii uu joogay.

    3.Cabdirisaq Dheere,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,waa mid ka mid ah hantiilayaasha ku baraaray Dawada Wasaarada.
    Cabdirisaaq Dheere hada waxa uu xuub siibtay Xubin Baarlamaan,waxuuna Waaxdii uu madaxda ka ahaa loogu sii dhiibay Xaaskisa.

    4: Cali Dhuux waa agaasimaha Waaxda loo yaqaan ”Public health”,sidoo kale kooxda ku baraaraysatay xoolaha Umada,ayuu qayb ka yahay.

    Guud ahaan Ragan waxaa ka dhaxeeya is tixgalin,wada shaqayn.is xeerin iyo is asturid,waxay ka midaysan yihiin Wasiirka kasta oo Wasaarada la keeno in ay umidoobaan kuna khasbaan in uu iyaga uhogaansamo ama meesha ay ka saaraan marka ugu danbaysa.

    Waa koox saamayn xoog leh ku leh olalaha doorashada iyo imaanshaha Madaxweynaha cusub,waxay qayb ka ahaayeen soo bixidii Madaxweyne Faroole,sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen Madaxweyne Gaas,iyagoo haatana helay Madaxweyne saamayntii ugu weynayd ay ku leeyihiin
    isku soo wada duuboo shacabka Puntland waxay quudaraynayaan in ay mar uun arkaan Wasaaradaas muhiimka ah oo laga furfuray kooxda lahaystinimada u haysata 20-kii sano ee udanbaysay.


    La soco qormooyinka xiga….


    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.